MUNAASABADDA MOWLIIDKA NABIGA SCW OO LASHAACIYAY QAABKA AY U DHACAYSO DALKA MASAR:
Waxaa isa soo taraya qabanqaaabada bisha barakaysan ee Mowliidka ,ayadoo ay dalalbadan loogu diyaargaroobayo sidii loo qabanlahaa munaasabado waaweyn oo looga sheekeenayo siirada nabiga scw iyo mucjisaadkii uu ilaahay ku galadaystay :
hadaba waxaa si kooban noogu sharaxaya Arday kamid ah ardayda wax ka barata jaamacada Al azhar ee dalka masar kana mid ah qabanqaabiyaasha ixtifaalka nabiga SCW Mr : mohamud sheikh abdo
Walaal marka hore waxaan qabanaynaa laba munaasabadood oo kala ah .
1. Xaflada Maalinka 12 Rabiicul awal(mowliid)1431 h, ku beegan 26.2.2010. waxa la samayndoonaa duhirki iyo habeenki Maalinkaas Akhrinta Mowliid-ka iyo Salawaat ama amaanta nabiga oo la aqriyo , oo ay ka soo qaybgalayaan dhaman culimada dhalinyarada iyo qaybaha bulshada si furan waxaana lagu Qabanayaa Xuskan Xaafada ; Xayisi Saabic ee Dagmada Madiinat Al-nasr e Magalada Qahira 70.ahmed Zayat Street.
2. Munaasabada labaad ayaa ah mid ka sii ballaaran tii hore barnaamijka aan u dajinay ayaa ah sida soo socota :
Waxaa munaasabada ka soo qeybgalaya Madax mug iyo miisaan ku leh bulshada soomaaliyeed ee masar ku nool :
1.Safiirka Somalia u Fadhiya Dalka Masar Dr. Cabdullahi Xassan Maxamud
2. Prof. Shariif Saalax
3.Sh. C.deeq shire oo ka mida Hogaan-ka Jaaliyada Somalida.
4. Sh. Dr C.llahi sh. shuceyb oo isagana ka mida Gudiga Sare Ahlusunna wal-jamaca. xubina ka ah Ururka Jamacadda Carabta .
5.Dhamaan dhalinyarada, Aqoon yahanada, Culimada Ahlusunnah wal-jamaca . iyo Bulshada ku dhaqan wadan-kan Masar.
Goobta Ixtifaalka nabiga lagu qabanayo qeybtiisa labaad waa :
waxaa lagu qabanaya Howl-ka Xaflada ee (Saalax kamil) Jamacatul-Azhar Qaybta Madiinat Alnasr ...wadada Dariiq Nasr ee ka Timaada Raabaca al-Cadawiya. Kana Soo hor-jeeda Hool-ka Caalamiga ee shirar-ka iyo Garoonka wayn ee Ciyaraha ee Qahira. Tarabuun-ka agtiis.
Goorta Ixtifaalka nabiga lagu qabanayo qeybtiisa labaad waa :
waxaa la qabandoonaa Maalinka Axada Tariikhdu Tahay 14-Rabiicul-awal(moowliid) 1431.h ku Beegan 28.02.2010 .m Galabnimo saacada Markay tahay 5;00pm-9;00pm .
OGAYSIIS................OGAYSIIS ....................OGAYSIIS
Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku Nool Dalkan Masar waxan la socodsiinaynaa inay ka soo Qab Galaan Xuska Mowlidka Nabigena Muxamed Salla Allahu Calayhi wa Sallam.
waa u furan tahay ka soo qaybgal-ka ruux walba ayadoo hoolka lagu qabanayo uu yahay mid deeqa tirada ka soo qeybgashay inshaa Allah waxaana ka dhargaysaa Duruus Badan adigoo ka faaideysan doona oo ku Saabsan Siirada Nabiga NNKH iyo Jacayla Suubanaha Calayhi Salaatu wa Salaam.
Mahadsanidiin.
W/Q :Wariye Axmed Khadar iyo Mr:mohamud sheikh abdo
Email:axmedmbc@hotmail.com